Pep Guardiola Oo Shaaciyey Sababtii Uu Gabriel Jesus Uga Maqnaa Ciyaartii Xalay

Manchester City ayaa shaacisay sababtii uu weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus uga maqnaaday ciyaartii ay xalay Wolves ku karbaashtay 3-2.

Jesus oo kusoo bilowday shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, ayaan qayb ka noqonin shaxdii iyo beddelkii City ee madax-xanuunka kala kulmay Wolves oo saddex gool ka daba keentay iyadoo laba lagala hor maray.

Tababare Pep Guardiola ayaa kusoo bilaabay Sergio Aguero oo dhaawac kasoo laabtay, hase yeeshee daqiiqaddii 14aad ayuu garoonka ka saaray waxaanu kusoo beddelay goolhaye Bravo kaddib markii casaan la siiyey Ederson.

City oo inta badan oo ciyaarta ku dheelaysay 10 ciyaartoy, ayaa waxay ugu dambayn garoonka Molineux kala baxday guul-darro waji gabax ah oo soo afjartay rajo kasta oo ay ka qabtay inay soo qabato Liverpool oo hadda ka horreysa 14 dhibcood oo nadiif ah iyo hal kulan oo baaqi u ah.