Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaaladii Ugu Danbeysay Ee Mikel Arteta Iyo Arsenal

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in caawiyihiisa Mikel Arteta uu ku sugan yahay magaalada London islamarkaana uu qarka u saaran yahay inuu heshiis la gaaro Arsenal.

Guardiola oo haatan shir jaraa’id qabanaya ayaa xusay in wax walba ay gabagabo marayaan oo kaliya la sugayo in lagu dhawaaqo.

Macalinka reer Spain ayaa sidoo kale sheegay in Mikel Arteta uu seegay tababarkii shalay ee Manchester City iyo weliba kii maanta madaama uu wadahadal kula jiray Arsenal.

“Mikel waxa uu joogaa London. Wuxuu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro Arsenal. Waa inta aan ogahay. Wax walba dhamaad ayay ku dhow yihiin. Tababar ma uusan sameynin shalay. Tababar ma uusan sameynin maanta” ayuu yiri Pep Guardiola.

Guardiola ayaa xusay inuu ka horjoogsan waayay Mikel Arteta oo ay isgaranayeen tan iyo caruurnimadoodii inuu raaco riyadiisa oo aheyd inuu tababare ka noqdo Arsenal.

“Marka aad leedahay riyo ma celin kartid. Arsenal waxay qeyb weyn ka tahay waayaha Mikel. Waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican England.