Tababare Pep Guardiola ayaa dib ugu laaban doona garoonka kooxdiisii hore ee Barcelona isagoo doonaya inuu guul kasoo gaaro Catalans oo foodda dareysa Manchester City kulan aad u adag oo tartanka UEFA Champions League caawa oo Arbaco ah.
45 sanno jirkaan ayaa haatan leyliya kooxda ka dhisan Etihad Stadium laakiin wuxuu calaamado badan oo guulo ah kusoo reebay kooxda Barcelona, halkaasoo uu koobab badan kusoo qaaday isagoo ciyaaryahan ah iyo isagoo tababare ah, haatan caawa waxaa Guardiola heyn doona indhaha caalamka oo dhan.
Kulanka: Barcelona vs. Manchester City
Saacadda: 9.45pm (Xilliga Geeska Africa)
Garoonka: Camp Nou Stadium – Barcelona
Ciyaaraha Wareegga 3aad Group C – UCL


