Paul Pogba Oo Si Degdeg Ah Uga Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Xiddiga Khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday inuu ka fadhiisto ciyaaraha xulka qaranka France kaddib markii uu Madaxweynaha dalkaasi ku gefay Diinta Ilsmaaka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

Laacibka Manchester United ayaa la sheegay inuu aad uga cadhooday hadalka kasoo yeedhay Madaxweynaha waddankiisa Jimcihii, isla markaana uu joojinayo inuu mar dambe dalkaas u ciyaaro, taas oo uu ugu hiilinayo DIINTA Islaamka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay inuu Diinta Islaamka ku sheegay ‘Argagixiso caalami ah’ xilli uu ka hadlayay macallin Faransiis ah oo lagu dilay dalkaas kaddib markii uu tusiyey arday uu wax u dhigayay sawir-gacmeed uu ku sheegay ‘Nebi Muxamed’ N.N.K.H.

Sida uu qoray wargeyska The Sun oo aanu warkan kasoo xiganay, ilo-wareedyo bariga dhexe ah ayaa u xaqiijiyey in 27 jirkan khadka dhexe uu go’aansaday in aanu mar dambe u ciyaarin xulka France ee Madaxweynihiisu uu ku gefayo Diinta Islaamka ee uu rumaysan yahay.