Ozil oo sheegay inuu ku biiri karo kooxda Fenerbahce

Xiddiga Arsenal Mesut Ozil ayaa laga dhawaajiyey in uu u dhaqaaqi doono kooxda Fenerbahce xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay Fotomac.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka kasoo kasoo jeeda sal ahaan dalka Turkish ayaa taageere u ah kooxdan ka dhisan Super Lig waxaana lala xiriirinayay mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan.

warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in heshiis laga yaabo inuu u saxiixo  xilli ciyaareedka soo socda ka dib wadahadalo qarsoodi ah oo u dhexeeya y isaga iyo kooxdiisa.

Xiddiga Gunners ayaa la sheegay in uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Baroni saddex bilood ka hor, isagoo Albaabka u furay inuu u dhaqaaqo “wax walba waa suurtogal ayuu yiri Ozil”.

xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Ozil ayaa qandaraaska uu kula joogo kooxda Emirates Stadium uu dhacayaa ilaa June 2018.