Xidiga khadka dhexe Arsenal Mesut Ozil ayaa waxyar ka carooday go’aanka waaxda baaritaanka dawooyinka awoodda kordhiya ka hor kulan walba markaas oo loo doortay xidiga ugu horeeya ee baaritaanka lagu sameynayo.
28-jirka qaranka Jarmalka ayaa diidmo sameeyay iyadoo ay isku dhaceen shaqaalaha hawlfulinta, inkastoo uu ogolaaday markii loogu hanjabay in la ganaaxi doono, waxaana lasoo warinayaa inuu albaabka [darbeeyay] isagoo muujinaya sida uu kaga carooday in mar walba dooqa koowaad laga dhigo isaga.
Gunners waxey ku kuftay White Hart Lane, umana muuqan Mesut Ozil inuu gudanayo kaalintiisa kulankii ay 2-0 guuldaro ah qaateen.
Si kastaba xidigii hore Real Madrid lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalkiisa madama uusan wali saxiixin heshiis cusub iyadoo 15-bilood wax ka yar uu kaga haray qandaraaskiisa.
Sida ay sheegayaan warbaahinta qaar, Mesut Ozil ayaa diiday inuu saxiixo heshii cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 280,000 kun madama uu doonayo inuu helo 300,000 kun isbuucii.



