Jarmalka waxaa ka maqnaan doona xiddigaha dhaawacan ee Mesut Ozil, Julian Draxler iyo Mario Gomez marka ay martigelinayaan habeen danbe xulka Ingariiska sida uu sheegay tababare Joachim Loew.
Loew ayaa sheegay in seddexda ciyaartoy ay ka soo kabsanayaan dhaawacyo yaryar, waxaana ay u baahnaan doonaan maalmo yar oo ay ugu soo kabsadaan kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay Baku kula ciyaarayaan xulka Azerbaijan Axada soo socota.
“Ciyaartoyda aan ciyaari doonin berri waxaa ka mid ah Ozil oo dhaawac muruqa ah qaba. Julian Draxler oo dhaawac la mid ah ka qaba muruqa bowdada” ayuu Loew ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.
“Mario Gomez isna dhaawac ayuu ku maqan yahay, waxaana uu u baahnaan doonaa maalmo yar uu ku soo kabsado.”
Maqnaanshaha Gomez ayaa si gaar ah u mid niyadjab leh iyadoo weeraryahanka uu shabaqa soo taabtay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu u ciyaaray kooxda Bundesliga ka dhisan ee Wolfsburg waxaana uu u muuqday mid dib u helay qaab ciyaareedkiisa.


