Oriental Hotel oo dib loo hawlgeliyay (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay munaasabad dib loogu hawl gelinayay Hotel Oriental oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Munaasabada oo ahayd mid qado ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, Ganacsato, Qurbojoog iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintii ka socotay dowladda iyo gobolka Banaadir ayaa munaasabada waxa ay ka sheegeen in ay soo dhaweynayaan dib u hawlgelinta Oriental Hotel, waxayna tilmaameen inuu ka mid yahay Hotelada ugu waa weyn ee ku yaalla Muqdisho.

Maamulaha guud ee Oriental Hotel Mudane Faysal Xuseen Xareed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in adeegyo cusub Hoteelka lagu soo kordhiyay, islamarkaana uu ka duwan yahay qaabkii hore ee uu ku hawlgeli jiray.

“Aniga oo ku hadlaya magaca maamulka iyo Milkiilaha Hoteelka waxaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaya inuu furan yahay Hotel Oriental, sidii hore si ka wanaagsana uu u shaqeyn doonaa, waxaana shacabka u sheegayaa inay ku soo dhawaadaan Hoteelka”. Ayuu yiri Faysal Xuseen.

Dib u how gelinta Hoteelkan ayaa waxaa ka shaqeeyay oo gacan weyn ka geystay ganacsade Xaaji Maxamed Maxamuud Cali (Gaange) oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.