Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee Soomnaalida Itoobiya (JWXO) ayaa ka digtay in la dhaco hantida dhulka Soomaalida oo Gaaska iyo Shidaalku ka mid yihiin.
Jabhadda waxay Qoraal ay soo saartay ku cambaaraysay shir ay yeesheen Xafiiska Tamarta iyo Macdanta ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Shirkadda Shiineeska ah ee Poly-GCL, waxayna caddeeyeen in ay ka horjeedo Qorshaha lagu dhaco hantida Soomaalida, iyadoo la xaqirayo xuquuqda siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed.
ONLF waxay Shirkadda Poly-GCL uga digtay inay sii wado soo saarista shidaalka iyo gaaska Ogadenya iyadoo aan “oggolaansho sharci ah laga helin dadka Soomaaliyeed.”




