Man United ayaa kulankii labaad oo isku xigta gaartay guul soo laabasho ah iyagoo markaan seddex gool iyo gool ku xaaqday kooxda West Ham oo marti loo ahaa.
Waa kulankii shanaad oo isku xiga oo ay badisay Man United iyadoo marti ah islamarkaana ay gadaal ka soo kabsato. Xilli ciyaareedka United ayaa noqday mid aan la saadaalin karin isbuuc walba.
United waxay aheyd mid aad u liidata qeybtii hore taasi muran kama taagna. Laakiin wacdarihii ay dhigeen qeybta labaad ayaa haatan ka dhigay in United ay labo dhibcood kaliya u jirto hogaanka Premier League iyagoo ciyaaray kulamo la mid ah inta ay dheleen Tottenham iyo Liverpool.
Solskjaer ayaa ku amaanan inuu sameeyay labadii bedel ee bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.
XIDDIGA GAROONKA – MARCUS RASHFORD
Xiddiga garoonka waxaa u qalmay midkood Rashford iyo Bruno Fernandes, taasoo tilmaameysa sida ay ahaayeen ciyaartoyda kale ee ciyaaray 90ka daqiiqo. Rashford ayaa United siiyay hurdo ka toosidii ay u baahnaayeen qeybtii labaad ee ciyaarta.
XIDDIGAHA LIITAY
Seddex xiddig ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita kulankii maanta Cavani iyo Van de Beek waxay kooxda ku ahaayeen dulsaar aan waxba soo kordhineynin, taasoo keentay in la bedelo waqtigii nasashada halka Martial uu isna ahaa mid aan saameyn laheyn.



