Odawaa “Beentii Saddex sano iy bar 7-daqiiqo ku ayay kusoo gabagabowday”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo  ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu guuldareystay ka shaqeynta in doorashada dalka ay ku dhacdo xilligeedii loogu tala galay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Saddex iyo Bar Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ay been abuur ku maamulaayeen dalka.

Waxaa uu sheegay markii Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay muddo kordhin in uu go’aan deg deg ah qaatay oo ku aadan in uu cayriyo xukuumaddiisa.

“Been abuurka Madaxweynahu uu sameeyay sedex sano iyo bar xukuumadiisii horta ka muuqatay oo 7-daqiiqo ku dhacday,asagana in ay noqonin in asagan uu ku yimaado culeyskii kii lamid ah aad iyo aad baan u rajeyneynaa” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo in uu kaga dambeeyay Madaxda maamul goboleedyadda Shirka Dhuusamareeb, maadaama xukuumadiisii ay fashilantay.