Obama oo aan raalli galin ka bixin doonin weerarkii Hiroshima

Aqalka cad ee mareykanka ayaa caddeeyey in madaxweyne Obama uusan raalli galin ka bixin doonin weerarkii bambo-atoomigga ee Maraykanku ku qaaday magaalada Hiroshima, marka uu booqashada taariikhiga ah ku tago magaaladaas Japan ku taalla dabayaaqada bishan.

Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne Ameerikaan ah oo xil haya uu booqdo Hiroshima, tan iyo markii la burburiyey, August 1945, taasoo keentay inay dhintaan ilaa 140,000 oo qof.

Waxay ahayd markii ugu horraysay oo dagaal loo adeegsado hub Nukliyeer ah, ayadoo seddex maalmood ka dibna lagu dhuftay Nagasaki.

Weerarradaasi ayaa loo arkaa in lagu khasbayey xukuumaddii Japan ee xilligii dagaalka inay is dhiibto.