Oslo-RisaalaFM- Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
Wiilka Soomaaliga ayaa waxaa lala dilay haweenay u dhalatay dalka Norway oo lagu magacaabo Tone Illebekk, oo 48 sano jir ahayd.
Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta uu wiilkan 15 jirka u geystay dilka labadan qof, oo dhacay galabnimadii Isniinta, marka laga reebo inuu qirtay dilka, sida ay booliiska sheegeen.
Booliska Dalka Norway ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo cida soo dirtay wiilkan iyo sababta ku kaliftay in uu fuliyo dilkan.


