NISA oo soo bandhigtay Fanaan sheegtay in uu ka tirsan yahay Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubey Abshir Gaarane Axmed oo sheegtay inuu ka tirsanaa kooxda fanka Gobolka Banaadir.

Abshir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay in la xiray ka dib markii lagu tuhmay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.

Abshir ayaa Muuqaalka ku sheegay in uu ka tirsanaa Al Shabaab uuna ku biiray Sanadkii 2013-kii.

Waxaa uu sheegtay in u qaabilsanaa Al-shabaab xuuraanka iyo Maaliyadda.