NISA oo shaacisay Magacyada Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay degmada Awdheegle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee kooxda Al-Shabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubinta 7-aad ayey NISA sheegtay in lagu dilay deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud, oo u dhow magaalada Dhuusomareeb, 11-kii September.

NISA waxay sheegtay in howl-gallada lagu dilay xubnahan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Xubnaha ay shaacisay NISA ayaa kala ah:

1- Sheekh Cabdullaahi, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

2- Cali Timajilic, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

7- Axmed Cali Daahir Shuuke, oo lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada hay’adda NISA. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan ka jawaabin warka kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya.