Wararka naga soo gaaraya Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa sheegayaan in uu Geeriyooday Nin ka mid ahaa raggii la xirnaan jiray Mandela.
Ninkaasi ayaa waxaa lagu magacabaa Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalka Koonfur Afrika laga saaro xukunkii midab takoorka.
Waxa uu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen xabsiga Robben Island.
Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.
Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda


