Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay soo qabteen ninkii ka dambeeyay dilkii Magaalada Boosaaso loogu geystay Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Bari, Khadar Ismaaciil Cabdulle.
Waxaa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka in ay kusoo qabteen ninkaasi oo ka mid ahaa dadka degan Magaalada.
Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaan faah faahin ka bixin cidda uu ka tirsan yahay ninkaasi iyo sababtii ka dambeysayba inuu Bartamaha Boosaaso ku dhex dilo marxuumka.



