Ninka looga shakiyay weerarkii New York oo dacwad lagu oogay

Ninka looga shakisan yahay qarixii shalay ka dhacay meel basaska laga raaco oo ku taalla New York, Akayed Ullah, ayaa lagu oogay dacwado la xiriira argagixisanimo, sida booliska ay sheegeen.

Ninka oo 27-jir ah waa qaxooti ka soo jeeda dalka Bangladeshi, wuxuuna ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Manhattan, Isniintii.

Ullah ayaa laga daaweynayaan dhaawac halis ah, ka dib markii uu ku gubtay “wax jirkiisa ku xirnaa oo qarxay”. Saddex qof oo kale ayay dhaawacyo fudud gaareen.

Laanta booliska New York ayaa shaacisay in Ullah lagu oogay dacwado la xiriira haysashada hub dembi lagu geystay, taageeridda ficilka argagixiso iyo “halis argagixisanimo”.

Sida boolisku sheegeen, wuxuu u sheegay in ay dhiirageliyeen weeraradii xilligii masiixiyadda lagu qaaday Yurub, isagana uu xushay meesha basaska laga raaco ee Port Authority “ka dib markii uu arkay boorarka xafladaha masiixiyadda oo gidaarada ku dhegan”, sida warbaahinta Mareykanka ku warrameen.

Ullah wuxuu sheegay “in weerarka uu qorsheeyay ka dib markii uu arkay diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya xarrumaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Suuriya iyo meelo kale”, sidaas waxaa qoray wargeyska New York Times.