Degaanka Sarkuusta oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan ka dib markii nin uu dilay xaaskiisa sidda ay Risaala u xaqiijiyeen ninka falka geystay Ehelkiisa.
Ninka dilka geystay ayaa lagu Magacaabi jiray Calas Geelle Salaad, waxaana uu ahaa nin Madaxa ka xanuunsan, laakiin maalmihii lasoo dhaafay xaaladdiisa ay aheyd Mid wanaagsan.
Ninkaan ayaa la sheegay in xanuunkii qaban jiray uu kusoo kacay, islamarkaana uu dilay Xaaskiisa oo Magaceeda lagu soo kooban Hidaayo taasoo u heysay Saddex Caruur ah.
Ehelka ninka falka geystay ayaa sidoo kale Risaala u sheegay in gabadha dilkeeda uu u adeegsaday Baankad.
Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku soo badanaayay Magaalada Muqdisho, dhawaan ayay aheyd Markii nin uu xaasikiisa ku dilay degmada Yaaqshiid.



