
Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari.
Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega ah.
Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta.
Ninkii Weerarkaasi geystay ayaa la sheegaya in uu asal ahaan uu kasoo jeedo Soomaaliya, waxaana markii uu weerarkaasi geysanayay uu ku qeylinaayay Allahu Akbar.
Boolisku waxa ay sheegeen in ninkaasi da’diiso ay tahay 30 jir.
Duqa Magaalada Brussels sheegay in ciidamada Ammaanka heegan buuxa la geliyay , islamarkaana ay waddaan baaritaano kala duwan.


