Nin isku dal dalay Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Wararkai inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ya sheegayaan in Nin reer miyi ah uu isku dal dalay Degaanka Baxdo oo hoostaga Gobolka Galgaduud, kadib markii xoolihiisa ay u dhinteen abaarta ka jirta Galgaduud oo saameysay.

Ninka is dal dalay ayaa la sheegay in mudo ah in uu la xanuunsanayay abaarta saameynta u geysatay isaga iyo xoolihiisa, waxaana uu ku xanuunsanay Isbitaal ku yaalla Deegaankaasi.

Dadaka Degaanka ayaa sheegay in maanta lagu arkay ninka gurigiisa, isagoo qoorta isku geliyay xarig ku xirnaa geedka ku yaallay gurigiisa, sidaasina uu ugu geeryoodey, waxaana magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan.

Gobolada qaar ee dalka ayaa hada waxaa ka jira Abaaro aad u daran, kuwaas oo ay saameeyeen Dadka iyo Duunyada ku nool halkaasi.