Wararka laga helayo Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka ku nool Magadaaladaas, iyada oo Shaqsigii ka dambeeyay dilkaasi gacanta lagu dhigay.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Liibaan Xasan,waxaana wararku sheegayaan in lagu dhex-dilay goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Laanweyn Ee Magaalada Cadaado,isla markaana uu dilka geystay Nin ku hubeysnaa Qoray AK47.
Goobjoogayaal ku sugan Magalada Cadaado ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen in Ninka la dilay iyo kan wax dilay uu maalmahaan khilaaf ka dhaxeeyay,hayeeshee saakay uu dilkaasi dhacay.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka dilka geystay ay Ciidamada Booliska Magalada Cadaado gacanta ku dhigeen,isla markaana la geeyay Saldhiga Booliska Magaaladaas, kadib markii isaga uu saldhiga tegay.


