Dumarka qaraxyada ka gaysta Nigeria ayaa hadda carruur qaata si ay uga badbaadan in la qabto ama la fashiliyo, sida ay ka digayaan masuuliyiinta dalkaas.
Weerar ka dhacay magaalada Madagali 13 Janaayo ayaa la arkay labo haween ah oo is qarxinaya iyaga oo dilay lafahoda, labo ilmood iyo afar ruux oo kale.
Waxay ka soo gudbeen bar kontarool oo ay joogeen ciidammo is abaabulay iyaga oo loo qaatay in ay shacab yihiin maadaama oo ay carruur wateen.
Dumarka is qarxiya ayaa horay loo arki jiray, laakiin saraakiishu waxay sheegayaan in ay arrin “halis ah” tahay in carruur la adeegsado.
Ururuka Boko Xaraam ayaa loo arkaa in ay ka dambeeyeen weerarkan.
Afar haween ah ayaa qaraxyo ka gaystay Madagali oo ka tirsan gobolka Adamawa oo dib looga qabsaday ururuka Boko Xaraam sanadkii 2015-kii.
Labo ayaa lagu istaajiyay bar kontorool markaas ka dibna is qarxiyay sida ay saraakiishu sheegeen.
Si kastaba ha ahaateee labo dumar ah oo carruur watay ayaanse la baarin waxayna is qarxiyeen markay ka gudbeen laamihii ammaanka.
Bookoo Xaraam ayaa lagu yaqaanaa in ay adeegsadaan haweenka is qarxiya oo ay ku jiraan gabdho yaryar.


