Rag hubeysan ayaa dhowr arday ah ka afduubtay kuleej ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria ku yaalla ee Kaduna, sida uu sheegay maamulka gobolka.
Dableyda weerarka soo qaadday ayaa habeenkii xalay ahaa galay kuleejka oo ku yaalla magaalada Mando.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in 180 isugu jira arday iyo shaqaalaha kuleejka ay saakay aroortii soo badbaadiyeen ciidamada Nigeria, balse ilaa 30 arday ah weli la la’yahay.
Weli ma cadda cidda ka dambeysay weerarka Federal College of Forestry Mechanisation, oo ku yaalla meel u dhow machadka tababarka milatariga.



