Nigel Winterburn Oo Saadaaliyay Booska Ay Arsenal Ku Dhameysan Karto Fasalkaan Iyadoo Heysata Mikel Arteta.

Daafacii hore Arsenal Nigel Winterbnurn ayaa aaminsan in kooxdiisii hore aysan macquul u aheyn iney ku dhameysato afarta sare fasalkaan, inkastoo uu kooxda la wareegay tababare Mikel Arteta.

Jamaahiirta Gunners ee waqooyiga London ayaa goob joog u noqday hormarka ay sameysay kooxda tan iyo markii la magacaabay Arteta, waxeyna dareemayaan iney kooxda heshay hadda qaabka ugu fiican.

Sanadka cusub uma xuma Gunners maadaama Arteta uu laba guul oo xiriir ah ka helay tartamada maxaliga ah, balse Winterburn wuxuu dareensan yahay marka la qiimeeyo booska Arsenal ay hadda joogto ineysan u sahlaneyn booska 4-aad.

“Dhabtii ma garan karno halka ay Arsenal ku dhameysan karto, balse inta u dhaxeysa hadda iyo xagaaga waxaan rajeyn karnaa in Arteta uu soo kordhiyo qaab fiican, kooxdana kusoo celiyo iney u tartanto afarta sare” ayuu yiri Winterburn oo la hadlayay Gambling.com.

“laga yaabee, waxaa suuragal ah inaan qeyba dambe ee fasalka awood u helno inaan gali karno afarta sare, balse aniga waxey ila tahay wax aan macquul aheyn marka aan ka hadlo booska ay hadda Arsenal joogto”