Nicholas Oo Saadaaliyay Kulamada Lugta Labaad Ee Semi-finalka Champions League & Europa League.

Khabiirka kubada cagta Sky Sports Charlie Nicholas ayaa saadaalin ka bixiyay kulamada lugta labaad ee wareega afar dhamaadka Champions League iyo Europa League ee la ciyaarayo caawa, habeen danbe iyo habeenka Khamiista ah.

Caawa waxaa magaalada Turin fooda isku saari doona kooxaha Juventus iyo Monaco iyadoo lugtii hore ee ka dhacday Monte Carlo ay 2-0 ku soo badisay Bianconeri, waxaana uu Charlie Nicholas saadaaliyay in Juve ay xaqiijisan doonto caawa u soo bixitaankeeda finalka Champions League isagoo u saadaaliyay guul 2-1 ah.

Habeen danbe waxaa Vicente Calderon ku ciyaaraya kooxaha deriska ah ee Atletico Madrid iyo Real Madrid iyadoo kooxda heysata 11ka koob ee Champions League ay lugtii hore ee Bernabeu ay ku soo badisay 3-0, waxaana uu Charlie saadaaliyay in Real Madrid ay gaari doonto finalka Cardiff City inkastoo kulanka habeen danbe uu guul 2-1 ah u saadaaliyay kooxda martida loo yahay ee Atletico.

Habeenka Khamiista waxaa la ciyaarayaa kulamada lugta labaad ee wareega afar dhamaadka Europa League, iyadoo Man United ay Old Trafford ku marti qaadi doonto kooxda Celta Vigo iyadoo United ay 1-0 ku soo badisay kulankii lugta hore ee ka dhacay Spain, waxaana uu Charlie saadaaliyay in kulanka lugta labaad ay 3-1 ku badin doonto kooxda Red Devils taasoo ka dhigeysa inay xaqiijisan doonto booskooda finalka ee Stockholm.

Isla habeenkaas waxaa Faransiiska ku ciyaaraya Lyon iyo Ajax iyadoo kooxda reer Holland ay kulankii gurigeeda ee lugta hore ku soo badisay 4-1, laakiin Charlie ayaa saadaaliyay in Lyon ay kulanka lugta labaad ku badin doonto 3-0 taasoo ka dhigeysa inay kooxda Faransiiska u soo baxdo finalka.

SAADAASHA CHARLIE NICHOLAS:

Semi-finalka Champions League:

Juventus 2-1 Monaco (Lugtii hore 2-0)

Atletico Madrid 2-1 Real Madrid (Lugtii hore 0-3)

Semi-finalka Europa League:

Man United 3-1 Celta Vigo (Lugtii hore 1-0)

Lyon 3-0 Ajax (Lugtii hore 1-4)