Neymar JR oo u sheegay Philippe Coutinho in uusan ku biirin Barcelona

Neymar JR ayaa lagu soo waramayaa inuu kula taliyey Philippe Coutinho inuu iska sii joogo kooxdiisa Liverpool isla markaana uusan ku biirin kooxda Barcelona.

Catalans ayaa si daran u dooneysa xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil – waqtiga ayaana ku gaaban maadaama suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub uu Khamiista xirmi doono.

Liverpool weli waxay taagan tahay booskeedii ahaa in uusan iib aheyn laacibkii hore ee Inter Milan. Laakiin Barcelona waxay kaslooni ku qabtaa inay Reds ku qancin karto inay ka iibiso Philippe Coutinho.

Hadda Philippe Coutinho wuxuu ku maqan yahay waajibkiisa xulka qaranka Brazil, waxaana halkaas kula sugan Neymar JR oo ay saaxiib dhow yihiin isla markaana xagaagaan ka tegay kooxda Barcelona isagoo 200 milyan oo ginni ugu wareegay kooxda Paris Saint-Germain.

Shabakadda Estadao ee dalka Brazil ayaana waxay haatan sheegeysaa inuu Neymar u sheegay Coutinho in uusan ku biirin Barcelona isla markaana uusan marnaba ka qoomameyn go’aanka ay gaartay Liverpool ee ay ku ceshaneyso xiddigaan.

Aragtida Neymar ayaa ka hor imaaneysa middii Thierry Henry ee aheyd inuu Coutinho raaco jidkii Luis Suarez kuna biiro Barcelona – warar hoose ayaana sheegaya inay PSG diyaar u tahay inay xagaaga dambe soo iibsato Coutinho.