Ra’iisulwasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.
Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.
Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.
Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.
Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.
Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.
“Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?
“Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.
Dhanka kalana afhayeen u hadlay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si wayn u dhaliilay maamulka Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay “in ay nasiib darro tahay” in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas uu diido in uu la kulmo Pence, marka uu dhawaan booqasho ku tago gobolka.
Masarna, masuuliyiinta ugu sarreeya diinta Muslimka iyo midda Masiixiyiinta ayaa baajiyay kulan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo horay loo sii qorsheeyay, iyaga oo ka biyo diidan go’aanka Maraykanka.



