NATO oo heegan sare gashay

Madaxa gaashanbuurta NATO ayaa ka dalbaday Ruushka inuu si degdeg ah u joojiyo howlgallada milateri, ciidammadiisana kala baxo waddanka Ukraine.

Jens Stoltenberg ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Ruushka uu isticmaalayo xoog si uu taariikhda dib ugu qoro, Ukraine-na u diido inay raacdo wadadeeda xorta ah.

Shaqada ugu wayn ee NATO ayaa ah inay ilaaliso oo ay difaacdo xulafadeeda, ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in maanta NATO ay go’aansatay inay dardargeliso qorshaheeda difaaca si ay u ilaaliso ayna u dhowrto dalalka kale.

Taas waxa ay ka dhigan tahay buu yiri in Nato ay ciidamadeeda jawaabta bixiya ay gayn doonto halka loogaga baahdo, ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa hore u caddeeyay in ciidammada dalkiisa aanan loo diri doonin waddanka Ukraine.