Nabaddoon Caan ah oo lagu xiray Boosaaso

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa la sheegay in xireen Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.

Xariga Nabaddoonka ayaa yimid ka markii uu booqasho ku tagay Xabsi ay ku xiran yihiin 7 dhalinyaro ah oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah , islamarkaana uu warbaahinta u sheegay in uu soo Arkay jirdil Ba’an oo loo geystay intii dhalinyaradaasi ay xabsiga ku jireen.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay si weyn uga Carooday hadalka Nabaddoonka , islamarkaana ay xabsiga dhigeen.

Xukunka lagu riday dhalinyaradaasi todobada ah ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.

Dhalinyarada ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso , waxaan Maxkamadda Ciidamada Puntland ay ku riday xukun dil ah.