Naadiyada kubbadda cagta Soomaaliya oo 29 sano kaddib ku soo laabtay ciyaaraha Afrika

Xidhiidhka kubbadda cagta Soomaliya ayaa 29 sano kaddib marki ugu horreysay laba naadi ka qayb geliyey tartanka ciyaaraha Naadiyada Afrika.

Naadiga kubbadda cagta magaalada Muqdisho oo ka qayb qaadanayo koobka confadereeshinka Afrika waxay la ciyaarayan naadiga Maalindii ee dalka Zaanzibar.

Labada kooxood oo ciyartooda koobaad ku yeelan lahaa Soomaaliya ayaa arrima amni oo jiro awgeed u qabsoomi waayey waxaana la go’aamiyey iney labada wareegba ay ku ciyaaraan dalka Zanzibar.

Naadiga Dakadaha ee Soomaaliyana waxay sida oo kale wada ciyaarayaan naadiga Zamaaliik ee dalka Masar.

Waxayna labada wareeg ku wada ciyaarayaan dalka Masar.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu farxay iney naadiyadooda ay gaaraan heer ay ka qayb galaan ciyaaraha naadiyada Afrika.