Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin; dhammeystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.
Dhinacyada ayaa waxaa ay ka wadahadleen siddii loo wadi lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.
Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete ayaa waxaa uu balan qaaday inuu sii xoojin doono teegeerada ay siiyaan Soomaaliya.



