Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu tago furimaha dagaalka ee deegaanada Hirshabelle, si markale dib u bilaabo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ujeedka socdaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira kormeer uu sameeyn doono furimaha dagaalka iyo xeryaha ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee macwiilseyda.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu tagi doono deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu dardargelin doonaa wejiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Marka uu tago deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada, isagoona fari doono in la qaado dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.



