Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Uganda si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Uganda, taasoo ay ka qeyb galayaan madax iyo wufuud ka kala socota dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Entebbe waxaa si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Uganda Robinah Nabbanja iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Uganda.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Uganda ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga gobolka ah, iyadoo Uganda ay kamid tahay dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taageerada amniga Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo la yeesho madaxda Uganda iyo wufuud kale oo ka qeyb galeysa munaasabadda, si looga wada hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.



