Magaalada Muqdisho waxaa xalay is afgarad ku wada saxiixday Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale xukuumadda xil gaarsiinta ee hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble.
Heshiiskaan oo ahaa mid si weyn ay u soo dhaweeyeen bulshada qaar ka mid ah ayaa haddana dad badan siyaabo kala duwan u fasirteen waxaa xilliggaan kusoo beegay wada shaqeynta xukuumadda xil gaarsiinta iyo Midowga Musharaxiinta.
Sidda ay sheegeen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta heshiiskaan oo mid ku kooban wixii dhacay 19-kii bishii February ee sanadkaan ee weerarkii lagu qaaday guriga labadii Madaxweyne ee hore iyo sidoo kale rasaastii lagu furay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta iyo dibadbaxayaal.
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa caddeeyay in heshiiska ay wada gaareen uusan ku saabsaneyn Arrimaha doorashooyinka laakiin kaliyah uu ahaa ka heshiinta wixii dhacay Jimcadii lasoo dhaafay.
Waxaa uu caddeeyay in uu cad yahay mowqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka ayna ku cadahay warqaddii ay la wadaageen beesha Caalamka.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in xukuumadda xil gaarsiinta ay caddeysay in Siyaasadda ay ka saarto qoriga iyo ciidanmeynta taas badalkeedana ay diyaar u tahay in ay ogolaato in uu dhaco banaanbax weyn oo lagu muujinaayo dareenka shacabka.



