Muxuu macalinka kooxda Manchester United ka yiri isku aadka wareega 8aad ee UCL iyo iney Barcelona ku dhaceen?

Manchester United interim manager Ole Gunnar Solskjaer applauds on the touchline during the Premier League match at Old Trafford, Manchester.

Macalinka kooxda Manchester United ayaa aragtidiisa ka dhiibtay kadib markii ay kooxdiisa qori tuurka UCL ku dhaceen kooxda Barcelona.

Solskjear ayaa yiri; “Waxaan dooneynaa kulamada ceynkaan oo kale iyo kooxaha waaweyn, Barcelona horay ayaan ula cayaarnay 2009kii 2011dii iyo afar dhamaadkii 2008dii markii uu Paul Scholes dhaliyay goolka guusha,  jamaahiirteena iyo naadigeenaba waxay jecelyihiin kulamadaan oo kale”.

Ole ayaa sidoo kale ka hadlay in kulanka hore Old Trafford lagu cayaari doono wuxuuna yiri; “waxay ila tahay inaan aniga tababarayaal badan ka duwanahay, waayo waxaan doorbidayaa in lugta labaad ku cayaarno meel ka baxsan garoonkeena sidii dhacdau kulankii PSG, hadii aan keensano natiijo fiican kulanka gurigeena ka dhacaayo waxaan markaas waxaan ognahay awooda aan u leenahay inaan dhibaato ku abuurno iyagoo gurigooda joogo sidaan PSG ku sameynay oo kale”.

Manchester United ayaa wajihi doonto kooxda Barcelona iyadoo lugta koowaad uu ka dhici doono garoonka Old Trafford 10 bisha April.