Muxuu ka yiri Kheyre Musuqmaasuqa Khudbadii Golaha Guud ee QM?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad dheer ka horjeedinaayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tilaabooyin wax looga qabanaayo Musuqmaasuqa.

Waxaa uu sheegay in bilooyinkii ay xilka haayeen ay xoojiyeen ka hortagga Musuqa maasuqa.

Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in ay sare u qaadeen la xisaabtanka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay dhawaan qaaday tallaabooyin cad oo looga hortagayo musuqmaasuqa, Sharciga La-Dagaalanka Musuqmaasuqa, oo muhiim u ah in la qaado tallaabooyinka lagu maamulayo maamul wanaag iyo xisaabtanka ayay  ansixiyeen golaha wasiirrada waxaa sidoo kale loo soo bandhigay baarlamaanka” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo aysan u dulqaadan doonin Musuqmaasuq.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo Markii uu soo dhisay xukuumadiisa waday Booqashooyin ka dis ah oo uu ku tagayay Wasaaradaha , Garoonka iyo Dekedda Muqdisho.