DHAGEYSO: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu xiray Mareykanka

Ciidamada Ammaanka Dowladda  Maraykanka ayaa bilaabay qabqabashada dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Atlanta.

In ka badan 10 qof oo Soomaali ah ayaa ilaa iyo hadda ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ammaanka kuwaa soo la sheegay in ay suurta gal tahay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Dadka ay ciidamada amaanka iyo laanta Socdaalku beegsanayaan ayaa isugu jira dad aan sharci haysan iyo kuwa sharcigu ka maqanyahay balse dambi galay.

Dadkan ayaa guryahooda iyo suuqyada magaalada Atlanta laga soo qabqabtay.

Guddoomiyaha Ururka Somaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOAda u sheegay in jaaliyadda soomaalidu ay aad uga walaacsantahay tallaabadan cusub.

Guddoomiyaha Ayaa sheegay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin dambiyo aad u fudud oo aan istaahilin in lagaga saaro dalka Maraykanka , laguna celiyo Soomaaliya oo haataan duruufo adag ay ka jiraan.