Muwaadiniin Somali ah oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Wararka ka imaanaya Tuulada Happy Valley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay lagu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah.

Dilka Muwaadhiniinran ayaa waxaa geystay koox burcad Koonfur Afrikaan oo weeraray  muwaadin goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen, islamarkaana ay rasaas ooda uga qaadeen.

Labada Muwaadin ee lagu dilay deegaanka Happy Valley ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras oo dhalin yaro ah.

Booliiska dalka  Koonfur Afrika ayaa weerarka  kadib gaaray goobtii  dilka loogu geystay dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah, inkastoo ay sheegeen iney gacanta ku soo dhigi doonaan burcadii falkaan geysatay.

Hase’ahaatee ‘  dalka Koofur Afrika  ayaa waxaa  ku soo badanayay dilka Muwaadhiniinta Soomaaliyeed loogu geysyo dalkaas waxana  geysta Burcad u dhalatay dalka Koofur Afrik ee doonaaya in ay dhacaan goobaha ganacsi ee Soomaalida ay ku leedahay dalkaas.