Muwaadin Soomaaliyeed oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Moha Daimon kudileen degaanka Soomaalida u badan tahay ee Belville ee Magaalada Ceptown.

Kooxaha oo dilka u adeegsaday Tooreey ayaa waxaa la sheegay inay muwaadinka Soomaaliyeed ay ka qaateen Gaari nooca raaxada ah oo uu ku Shaqeysanayay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomaalida kunool goobta uu dilka ka dhacay ay ku wargeliyeen falkaasi Booliska taas oo keentay in gacanta lagu dhigo burcadii ka dambeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa lavu xaqiijiyay soo qabashada ragga Burcadda ah, iyaga oo sheegay inay Maxkamad horgeyn doonaan.