Muwaadin Soomaaliyeed oo maanta lagu maxkamadeynayo dalka Britain

Zakariye Bulxan oo ah wiil Soomaaliyeed oo dalka Britain ku dilay haweenay u dhalatay dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu maanta kasoo hor muuqdo maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Britain.

Zakariye Bulxan oo shalay kasoo hor muuqday maxkamad kutaala dalka Britain ayaa lagu soo oogay in uu dil u geystay haweenay u dhalatay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Darlene Horton.

Laamaha ammaanka dalka Britain waxa ay sheegeen in weerarka uu Zakariye Bulxan ku qaaday meel ay dadka isku yimaadaan oo ku taala London uuna ku dilay Darlene Horton uu san aheyn mid ku lug leh Argagixiso.

Zakariye Bulxan oo ah Muwaadin  Soomaaliyeed  balse haysta dhalashadda dalka  Norway waxa uu weerar ku qaaday fagaaraha Rusell Square ee dalka Britain ,waxaana halkaasi ku dhimatay haweenay u dhalatay dalka Mareykanka oo da’deeda lagu sheegay 64 sano jir , waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray dad ku dhow 5 qof oo goobta joogay.

Ehelada Zakariye Bulxan ayaa ku doodaya in wiilkooda uusan Argagixiso aheyn falkaasna uusan u geysan kas laakin maskaxda looga jiray.