Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo dalka Canada

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa kooxo hubeysan oo  wariyeyaal 2008 kii ka Afduubtay duleedka Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in Maxkamad  uu kasoo hor muuqdo Bisha  October ee sannadka soo socda.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacabaa Cali Cumar Adeer.

Adeer ayaa loo haystaa in  uu abaabulay Afduubkii loo geystay Amanda Linhout oo aheyd Saxafiyad u dhalatay dalka Canada iyo sidoo kale Sawir qaade Nigel Brenan oo lagu Afduubtay Soomaaliya Sanadkii 2008 kii ,islamarkaana laga bixiyay lacag Madax furasho ah oo aad u badan.

Labadaasi wariye waxa ay xoriyadooda dib u heleen sanadkii 2008 dii , waxaana ay sheegeen in Cali Cumar Adeer uu ka mid ahaa dadkii gacan ka geystay Afduubkooda.

Cali Cumar Adeer ayaa sheegay in uusan qeyb ka aheyn Afduubkaasi ,laakiin uu doonayay in uu xiriiriye u noqdo kooxaha haystay Wariyeyaasha iyo sidoo kale dowladda Canada.

Labada Wariye ayaa dowladda Canada ka codsaday in ninkaasi la mariyo sharciga.

Dowladda Canada ayaa in badan Baadigoobaysay Muwaadinkaan Soomaaliyeed waxaana ay gacanta ku dhigtay  bishii June ee sannadkii hore ka dib howlgal qarsoodi ah oo ay fuliyeen ciidankooda.