Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in koox Burcad Koonfur afrikan ah ay gudaha dalkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kaid ahaa dadka ku nool dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobau Nuuradiin ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Xaafadda Motherwell ee Magaalada Port Elizabeth, Gobalka Eastern Cape,iyada oo kooxdii ka dambeeysay dilkaasi ay baxsadeen.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka koonfur Afrika ayaa sheegay in xilliga la dilayay Nuuradiin uu waday Gaari uu ku iibin jiraya ama uu ku wareejin jiray Rooti,iyaga oo doonayay inay gaariga ka dhacaan, isla markaana uu u geeriyooday dhowr xabadood oo ay ku dhufteen.

Qaar kamid ah ganacsato Soomaalida ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Xaafadda Motherwell ayaa halka uu dilka ka dhacay gaaray, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogu gaysanayo Dalka Koonfur Afrika, ayaa kordhay Bilihii lasoo dhaafay, waxaana Booliska dalkaasi Koonfur Afrika ay ku guuldareysteen inay gacanta ku dhigaan dadka dilalka u geysta Soomaalida.