Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa magaalada Swellendam oo qiyaastii 225km u jirta magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa ganacsatada ugu waa weyn dalkaas.
Allaha u Naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabduqaadir Jeemis ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen burcad hubeysan ku weerareen goobtiisa ganaci, isla markaana ay ku dhufteen dhowr xabadooda taas oo sababtay in uu isla goobta ku geeriyoodo.
Qaar kamid ah ehelkiisa ayaa Warbaahinta u sheegay in Cabduqaadir waayihii dambe ay Hanjabaadyo kaga imaanayeen qaar kamid ah buracada hubeysan ee lacagaha baada ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Ajaaniibta ah.
Dhowr jeer ayaa sidoo kale la sheegay inay ugu hanjabeen inay dili doonaan hadii uusan bixin lacagaha ay ka doonayaan, hayeeshee ugu dambeyn ay xalay saqdii dhexe dileen, waxaana la sheegay in muddo ka badan 20 sano uu ku noolaa dalkaasi Koonfur Afrika.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ee ka howlgala magaalada dilku ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaritaanno, balse aysan ku guuleysan inay soo qabteen Burcadii dilka geysatay.
Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u farabadan oo ka Shaqeysata ayaa waxaa had iyo jeer loogu geystaa dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.



