Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Wararka ka imaanaya Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Adrika  ayaa sheegaya in kooxo  burcad ah ay weerareen dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxa ayna halkaasi ku dileen Muwaadhin Soomalaiyeed oo lagu magacaabayay Cismaan Cabdisalaan Maxamed, oo ahaa nin dhallinyaro ah oo dukaanka ka shaqeenayay.

Kooxaha Burcada ayaa  la sheegay in ay baxsadeen dilka ka dib ,waxa ayna hore usii qaateen lacago iyo agabyo kale oo yaallay dukaanka sida ay sheegeen dadlkii u  gurmaday  dukaanka dilkauu  ka dhacay.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa tagay dukaanka dilku ka dhacay , waxa ayna sheegeen in ay sameenayaan baaritaano dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan kooxdii ka damberesay dilka.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah dilal iyo dhac ay geystaan kooxo Burcad koofur Afrikaan ah kuwaas oo Illaa hadda aysan waxba ka qaban dawlada Koofur Afrika.