Booliska rabshadaha ka hortaga iyo ciidamada milatariga ayaa la geeyay koonfurta dalka Sri Lanka kaddib markii ay halkaasi ka billowdeen rabshado u dhaxeeya Muslimiinta iyo dadka haysta diinta Buudistaha.
Sida la sheegay ilaa 19 qof ayaa xabsiga la dhigay kaddib rabshado ka dhacay gobolka Galle, waxaana weerar lagu qaaday guryo iyo goobo ganacsi.
Waxaa colaaddaasi gebi ahaanba ku burburay hanti aad u badan.
Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay rabshadahan balse wararka qaar ayaa sheegaya in shil baabuur oo halkaa ka dhacay ay ka billowdeen.
Mas’uuliyiinta dalkaasia yaa sheegaya in rabshadahaasi diimaha ku saleysan haatan la xakameeyay.
Wasiirka sharciga iyo kala dambeynta ee dalkaasi Sagala Ratnayaka ayaa dadka uga digay in naceybka diimaha ku saleysan aan lagu baahin baraha xiriirka bulshada.



