Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa hambalyo u diray xubnaha Senetarada ee laga soo doortay degaanada maamulka Galmudug.
Musharax Daahir ayaa ugu baaqay in Senetarada ay u istaagaan danta guud dalka iyo mida dowlad goboleedyada dalka.
Qoraal uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:
Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ay maanta doorteen Golaha Wakiillada Galmudug, kuwaas oo kala ah:
- Cabdi Axmed Dhuxulow
- Yuusuf Geelle Ugaas
- Siciid Siyaad Shirwac
- Cabdixakiim Macallin Axmed
- Samsam Daahir Maxamuud
- Duniyo Maxamed Cali
Waxaan rajaynayaa in aan iska kaashan doonno meelmarinta danta guud ee qaranka iyo midda gaarka ah ee dowlad gobaleedka Galmudug.



