Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta shirka uu uga socdo Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha keenay inay shirkaasi oo galay Maalintii Saddexaad isugu yimaadaan, isaga oo dhinaca kale eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo.
Musharax daahir Geelle oo hadal ka jeediyay shirka musharixiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkooda kaliya uusan sabab u aheyn arrimaha doorashada, balse dadka Soomaaliyeed ay dareemeen dimuqraadiya, Amniga iyo isla jirka Bulshada oo dhaawacanta.
Waxaa uu sheegay in iyaga ay wax ku rabaan in doorashada ay si nabad ah ku dhacdo, isla markaana wadatashiyada ay qeyb ka ahaayeen Uruurada Bulshada Rayidka, Culimadda, Dhalinyarada, guddoomiyaha Aqalka sare, dhamaantoodna ay qireen in dowladda hadda jirta ay si qaldan wax ku wado.
“ Dowladda waxaan u jeedineynaa dadaalka nabadeed doorashada xorta ah ee aan halkaan ugu shireyno abaabulka colaadeed ee ka dhanka ah ay wado inay joojiso, waan ka xunahay waxaay aheyd amaanka iyo doorashooyinka inay hormuud ka noqoto ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.
Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkooda uu galay maalintii Saddexaad ayaa la filayaa in Maalinta berito ah la soo geba-gabeeyo, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed.



