Musharax Daahir Geelle” Siyaasad xumida gunteeda waa in aad isku disho dadka aad madaxda u tahay”

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si faahfaahsan uga hadlay xiisaddaha siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho iyo fashilka ku yimid maamulka Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in marna aan la aqbali doonin in dagaallo ay ka dhacaan caasimadda, islamarkaana loo baahan yahay in waxwaliba lagu dhameeyo wadahadal.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraal uu soo saaray siddaan u qornaa:

Sida aan horey u sheegay, marar badanna aan ku celceliyay, waxaan aaminsanaa, welina aaminsanahay, waligayna aaminsanaan doonaa in arrinta Soomaaliya ay miis ku dhamaato tahay. Cid walba waxay siyaasadda ka durgi doontaa, hadba inta ay miiska ka durugto.

Siyaasad xumida gunteeda waa in aad isku disho dadka aad madaxda u tahay ama aad madaxtinnimadooda raadinayso. Doorashooyinka oo la boobo ama la carqaladeeyo waa dad isku dil, waana danbi xagga diinta iyo akhlaaqda ah iyo tallaabo loo qaaday dhanka duminta dowladnimada.

Waxaan aaminsanahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro doorasho daahfuran iyo xilalka siyaasadeed oo si nabad ah lagula kala wareego. Cid walba oo xoog wax ku raadisana way ila gefsanayd, welina waa ila gefsan tahay. Maalinna ma aaminin in qoriga uu Soomaaliya xal u noqon karo, waxaana rajaynayaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaas u fahmaan oo arrintaas la isla wada qaato. Waa in aan dowladnimada ku raadinno, ku hayno, kuna ilaalinno hab dabacsan oo dimuquraaddi ah. Jimco wanaagsan