Baarlamaanka dalka Venezuela oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka ayaa waxa ay magacaabeen 33 garsoore oo ah garsoorayaasha maxkamada sare,taasi oo dhalisay in baarlamaanka lagu eedeeyo in awooda dalka ay maroorsanayaan .
Golaha baarlamaanka dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay soo magacaabaan shaqada ay ka cayrin karaan garsoorayaasha taasi oo ay sheegeen in tahay mid ku qotonta dastuurka dalkaasi .
Maxkamada sare oo garsoorayaasheeda la sheegay in inta badan ay gacan saar la leeyihiin xubna ka tirsan dowlada ayaa ku tilmaamay tilaabada baarlamaanka mid sharci daro ah .
Dowlada Venezuela ayaan aqbalayn in garsoorayaasha imika shaqeeya laga saaro garsoorka dalka.
Maxkamada sare ee dalkaasi ayaa amartay in dadka rayidka iyo militarigaba in ay qaadaan tillaabo adag oo ka dhan ah magacaabidan.
Mucaaradka ayaa waxa ay dhankooda ku doodeen in waaxda cadaaladda ee hadda jirta ay tahay mid aan sharci ahayn .



